Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

R/ Wasaare Xamse oo kulan muhiim la yeeshay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida +SAWIRRO

Jigjiga (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka.

Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.

RW Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka iyo dabargoynta kooxda argagixisada ah ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...