Baydhabo (Halqaran.com) – Wasiirka Gaashaandhigga ee XF Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka ee Qaybta 60aad.
Wasiir Jaamac ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage, waxaana ay si wadajir ah kulan ulaqaateen saraakiisha Qaybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka, iyagoo ku boorriyay in dar dar-dar galiyaan Howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka u jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa waxaa uu faray Saraakiisha in ay labajibaaraan dagaalka Al-Shabaab, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu ay si gaar ah xoogga u saari doonto sidii degaanadaasi looga saari lahaa Al-Shabaab.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa isniintii shalay Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage, iyagoona kawada hadlay xoojinta dagaalka ka dhan ah Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





