Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

In ka badan 250 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka socda Sudan

Sudan (Halqaran.com) – Wararka ka imanaya gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa sheegaya in dagaal beeleed halkaas ka socda inay ku dhinteen in ka badan 250 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aad u badani.

Dagaal beeleedkan oo beryahanba halkaas ka socday ayaa haatan wararku sheegayaan inuu sii xoogaystay.

Hoggaamiyaha milateriga ee dalka Sudan ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ee ku sugnaa gobolka Blue Nile.

Dagaal beeleedkan ayaa salka ku haya muran dhuleed oo u dhexeeya labada dhinac ee qabiilka Hausa iyo shucuubta Berta.

Xukuumadda Sudan oo arrintaas la tacaalayso, ayaa haddana dhinaca kale waxaa mucaaradka dalkaasi ay ku baaqeen isu soo baxyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...