Nairobi (Halqaran.com) – Waxaa gabi ahaan hawada ka maqan barta caan baxday ee WhatsApp-ka oo ay malaayiin dad ah si weyn u adeegsadaan, guud ahaan caalamka.
Shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa subixii Talaadada maanta ah shaacisay ciladdan.
Afhayeen u hadlay shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa sheegay in dadka qaar ay haatan ay dhibaato kala kulmayaan farrimaha la isugu diro WhatsApp-ka, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii ciladdaasi looga hagaajin lahaa.
Dadyow tira badan ayaa baraha bulshada ku baahinayay cabasho ku aadan in farriimaha WhatsApp-ka aan la isugu diri karin ama wax farriin ah uusan qofka heleynin.
Ku dhawaad laba bilyan oo qof ayaa guud ahaa caalamka isticmaasha WhatsApp-ka. waana mid ka mid ah baraha bulshada ee aad caanka uga ah dunida.
HalQaran News Desk, Nairobi
Halqarannews@gmail.com