Tuesday, June 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

IMF oo ansixisay $0.97 milyan oo qeyb ka ah geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga fulinta ee hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ansixiyay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono taas oo gaareysa $0.97 milyan, kaalmadaan ayaa qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee qaantu la dagtay oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kaalmadaan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeya IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya.

25 maarso 2021 illaa 24 maarso 2022 ayaa kaalmadaan dhaqaale socon doontaa muddadaas ayaa Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...