Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Ilhaan Cumar oo markii 3-aad loo dhaariyay xubin ka tirsan Congress-ka Mareykanka

Minnesota (Halqaran.com) – Ilhaan Cumar oo laga doorto degmada shanaad magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa markii saddexaad Talaadadii loo dhaariyay xubin ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Congress-ka Mareykanka.

Ilhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa bishii Novermber ee sannadkii hore mar kale dib loo soo doortay.

“Kursigani aniga kaliya maaha. Waxaa isla leh kumannaanka qof ee aan ku metelo, kuwaas oo doonaya wakiil u dagaalama” ayay barteeda Twitter-ka kusoo qortay Ilhan markii la dhaafiyay kadib.

Waxay sheegtay in u dagaallami doonto sidii wax looga qaban lahaa cimilada, xuquuda shaqaalaha iyo ilaalinta dimuqraadiyadda.

Ilhaan Cumar ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...