Monday, April 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Gedo

Gedo (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo laga fulinayo deegaano ka tirsan gobolkaas.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Gedo Bakaal Kooke oo uu wehlinayay Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida degmada Doolow ayaa waxaa ay gaareen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo diyaarinaya howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale taliye Bakaal Kooke ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda noocyadooda kala duwan ay dhawan bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo la isugu furayo  Magaalooyinka gobolka Gedo.

Si kastaba, deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shabaab, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay howlgallo fulin doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...