Nairobi (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax u taagan xilka madaxtinimada dalka oo xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dalal ka mid ah Geesta Afrika ka
Xasan Cali Kheyre oo muddo Shan maalin ah ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan xaalada dalka iyo doorashooyinka.
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya, in Xasan Cali kheyre uu durba Magaalada Nairobi ka billaabay kulamo uu la yeelanayo xubno ka tirsan dowladda.
Sidoo kale, Kheyre ayaa la filayaa in uu la kulmo siyaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi.
Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya hadda ku sugan qaar kamid ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in sidoo kale ay halkaasi taagaan siyaasyiin kale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






