Monday, June 15, 2026
25.3 C
Mogadishu

Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo soo saartay Digniin la xiriirta Covid-19

Nairobi (Halqaran.com) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digeysa in Afrika ay noqon karto halka xigta ee xudunta u noqon doonto xanuunka safmarka ah ee Coronavirus (Covid-19).

Qaaradda ayaa waxaa sare u sii kacaysay tirada dadka uu soo ridnayay fayraskan toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo laga xaqiijiyay 17,500 oo kiis iyo 900 oo dhimasha ah.

Xanuunkan ayaa waxaa horay xuddun u noqday waddamo dhawr ah oo uu kow ka yahay Shiinaha oo ahayd halkii uu ka soo bilowday Coronavirus waxaana naftooda ku waayay in ka badan 4,600 oo qof.

Talyaaniga ayaa xigay oo uu fayraskan ku dul habsaday kaasi oo noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan dunida, isagoo ay ku dhinteen dad ka badan labaan kun oo qof.

Kaddibna Spain ayuu fariisimo ka sameystay waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya 10-kun oo qof.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka quwadaha sheegta ayuu aad u halakeeyay, halkaas oo ay ku dhniteen tirada ugu badan adduunka ee fayraska. 33,500 ayna kor u dhaaftay dhimashada dalkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...