Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

UPDATE: Shiinaha oo jawaab ku habboon siiyay madaxweyne Trump

Beijing (Halqaran.com) – China ayaa maanta beenisay eedeymaha dalalka Reer Galbeedka ee ah inay qarisay xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus, waxayna sidoo kale ku gacan seertay tuhunada Mareykanka ee ah inay xiriir hoose la leedahay ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa qiray in sida dhaqsaha leh ee uu ku faafayey fayruska ay keentay in la shaaciyo tiro ka yar tan saxda ah, taasi oo dhalisay in maanta ay China sare u qaaday tirada dadka ku dhintauy cudurka.

Hase yeeshee Zhao ayaa yiri “marnaba ma jirin wax qarin, mana ogolaan doono in wax la qariyo.”

Tuhunada ku saabsan in China ay xiriir dhow la leedahay Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ah “kuwa loogu gefayo” Beijing, ayuu yiri Zhao.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa su’aal ka keenay sida China ay ula tacaashay faafitaanka cudurka, iyo inay daah-furneyd tan iyo markii cudurka uu kasoo shaac-baxay magaalada Wuhan, sanadii tegtay.

Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Dominic Raab iyo madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron, ayaa sidoo kale Khamiistii shaki geliyey jawaabta China ee fayruska.

Si kastaba, tuhunadan ayaa mar kale soo shaac baxay maanta kadib markii mas’uuliyiinta magaalada Wuhan, oo aheyd xudunta cudurka ee dalka China, ay tirada dhimashada sare u qaadeen 50% ama 1,290, oo ay gaarsiiyeen 3,869 qof, taasi oo tirada guud ee dalka ka dhigtay 4,632.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...