Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday in Taraawiixda lagu dukan doonin Masaajidda

Sheekh Abdulaziz Aal-Sheikh

Riyad (Halqaran.com) – Muftiga dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Salaadda taraawiixda iyo salaadda Ciidda lagu tukadaan guryaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Ku dhawaaqiddan ayaa ku soo beegmeysaa iyadoo muddo toddobaad ah ay naga xigtdo bisha barkaysan ee Ramadaan.

Muftiga Boqortooyada Sacuudiga Sheekh Abdulaziz Aal-Sheikh ayaa sheegay in Jameecada salaadda taraawiixda aanan misaajiddada lagu tukan doonin sannadkan sababo la xiriira tallaabooyinka ka hortagga faafidda Coronovurus.

Sheekh Abdulaziz al-Sheikh ayaa sidoo kale sheegay in haddii uu xanuunka sii socdo bisha barakeysan salaadda Ciidul-fitriga la tukan doonin.

Sacuudi Carabiya ayaa horay joojisay in gebi ahaanba salaaddaha jamaacada lagu tukado gudaha iyo bannaanka labada masjid ee barakaysan ee ku kala yaalla Maka iyo Madiina si loo yareeyo faafitaanka coronavirus.

Si kastaba, amarkan ayaa ka sii horreey amar ahaa inaan salaadda lagu tukanin dhammaan masaajidda kale ee dalkaasi Sacuudiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...