Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Aadan Moobleen)

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa sabtidii maanta Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariisto mid ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray, Aadan Xasan Cali (Aadan Moobleen), wuxuuna muddooyinkii dambe la xanuunsanayay kilyaha.

Isbitaalka Digfeer ayaa laba habeen ka hor Xildhibaanka looga soo qaaday Mashiinka Kilyaha sifeeye oo loogu geeyay Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho, halkaasi oo Xildhibaanka uu ku jiray.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumka, waxaana Alle ay uga baryeen inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Isla maanta ayaa sida qorshaha uu yahay Aas loogu sameynayaa Muqdisho Marxuum Xildhibaan Aadan Xasan Cali, sida Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ay sheegeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...