Garowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa amar ku bixisay in Hay’addaha amniga ee deegaanadeeda ka hawlgala inay fuliyaan amarka Masaajidada looga joojinaayo dadka inay si jamac ah ugu dukadaan.
Qoraal xalay ka soo baxay guddi-hoosaadka Amniga Puntland, oo tixraacaya go’aankii hore ee Maamulka, ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha Amniga Puntland, in ay dhaqan-geliyaan amarkii lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka, si looga feejignaado faafidda cudurka Coronavirus.
Guddiga ayaa Laamaha Amniga faray, in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weyda dhaqangelinta go’aankaasi Maamulka si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha isu’gu imaanaya masaajidda.
Ugu dambeyn, go’aankaas ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii uu masaajidda ka dhaqangeli waayay amarkii Puntland soo saartay ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka masaajidda, sababa la xiriira faafidda Cudurka Coronavirus.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







