Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaya khasaare kala duwan oo ka dhashay shaqaale uu ku soo dumay guri ay dhisayeen oo ku yaalla xaafadda Banaadir degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Waxaa la xaqiijiyay in laba shaqaale oo ka mid ah kuwii dhisaayay guriga ku soo dumay ay geeriyoodeen, halka saddex kalane ay ku dhaawacmeen
Wararka ayaa sheegaya, in guriga dumay uu ahaa guryihii hore kaas oo la doonayay in inta la dumiyo markale dib loo dhiso.
Goobta ayaa waxaa gaaray gaadiidka gargaarka deg-dega ah, kuwaa oo goobta ka soo qaaday dadkii ku dhaawacmay guriga soo dumay.
Ma jirto cid ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo gurmad ahaan goobtaasi u tagay si ay u badbaadiyaan Bulshada halkaasi ku waxyeelowday.
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ay dhacdadaan uga hadlayaan, waxaana iminka la sii guda galayaa xilli roobaadkii.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






