Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Haweeney xanaaneysa 480 Bisadood!

Oman (Halqaran.com) – Maryam Al-Balushi oo ka mid ah dadka jecel xayawaanada waxey kasoo jeedaa magaalada Masqat ee caasimadda Cumaan waxaa hoygeeda la degan 480 bisadood, kuwaas oo bishii ay ku baxdo lacag gaareysa $8,000.

Haweeneydaan oo ah shaqaale dowladeed oo howlgab ah ayaa billowday xanaaneynta bisadaha sanadkii 2008-dii, markaas oo wiil ay dhashay uu guriga keenay bisad yar, si ay u rabbaayadeystaan.

“Si la mid ah hooyooyinka kale, waxaan diiday inaan xanaaneeyo sababtoo ah ma jecleyn xayawaanada, balse si dhaqsi ah ayaan isku baddelay waxaan billaabay inaan quudiyo, u qubeeyo, oo aan waqti badan la qaato.” Ayay Al-Balushi u sheegtay AFP.

Ma hesho taageera dhaqaale marka laga reebo mid ka soo gasho asxaabteeda barta Instagram-ka, waxey rumeysan tahay in ay tahay in la xanaaneeyo loona naxariisto xayawaanada maadaama ay nagula nool yihiin koonka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...