Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Guddoomiye Cumar Filish oo booqday qoysaskii carruurtooda ku waayey roobkii ka da’ay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay booqday qoysaskii carruurta uga geeriyoodeen daadad ka dhashay  roobka xooganaa ee ka da’ay magaalada Muqdisho saacadihii aan soo dhaafnay, kaas oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray guryo ay qoysas ku noolaayeen.

Qoysaskaan oo gaarayey illaa saddex qoys  ayuu guddoomiyuhu gaarsiiyay deeq lacag ah, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in la caawiyo qoysaskaan, Inta la xaqiijiyey tirada geerida ayaa haatan mareysa 13-qof oo wada carruur ah.

Sidoo kale waalidka carruurtaan ayaa duqa Muqdisho uga warbixiyay sida ay wax u dheceen, waxayna ka dalbadeen in maamulka gobolku wax ka qabto dhibaatada uu gaarsiiyey roobkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale qoysaskaaan la kulmay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo dowladda ugu baaqay inay wax ka qabato daadadka xilli roobaad kasta ku soo rogmada goobaha ay degan yihiin qoysaska danyarta ah.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa xalay kormeer ku tagay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho oo biyo badan uu dhigay roobkii ka da’ay caasimadda, isagoo waaxda howlaha guud faray inay xoojiyaan howlaha dib loogu furayo waddooyinka ay biyuhu  dageen ee magaalada Muqdisho.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...