Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Haweeney Uur laheyd oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho + (Sabab La Yaab leh)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Haweeney Uur Laheyd.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Korontada Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa inoo sheegay in kooxaha hubeysnaa ay doonayeen in haweeneyda ay ka furtaan Dahab,balse ay diiday.

Kooxaha hubeysnaa ayaa damcay in ay xoog u adeegsadaan, balse markii u suurta gali weyday ay xabado la dhaceyn Haweeneyda uurka Laheyd taasi oo goobta ku geeriyooday islamarkiiba.

Kooxaha hubeysnaa ayaa meydka Haweeneyda ka furtay Dahab iyo Mobil ay wadatay,waxayna ka baxsadeen goobta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...