Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo xukun ku fulisay nin ay sheegeen inuu xoog ku fuksaday Gabar

Kuunya-Baroow (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa Xukun Jeydal iyo Masaafurin ku Fuliyay Nin ay sheegeen in uu xoog ku Kufsaday Gabar.

Falkan ayaa ka dhacay Fagaara weyn oo ku yaala degmada Kuunya Baroow ee gobalka Shabeelada Hoose.

Ninka xukunka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa Xuseen Xeefoow Xasan, waxaana la sheegay in uu si xoog ah ku kufsaday Haweeney lagu magacaabo Xaawa Muudeey Cali oo ku nool degmada Kuunya Baroow.

Xaawa Muudeey ayaa maxkamadda Al-Shabaab ka dacweysay, Xuseen Xeefoow wuxuuna Maxkamadda Al-shabaab ka qirtay dambiga lagu soo oogay.

Xuseen Xeefoow Xasan oo aanan guur soo marin ayay Maxkamadu ku xukuntay Boqol Garbaash  iyo hal Sano oo Musaafurin ah,waxaa goobta fagaaraha xukunka ka aqriyay Qaadiga Maxkamada Al-shabaab ee degmadaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...