Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Magaalada Baladweyne oo Weli Baadi Goob ka Socda

muqdisho(Halqaran.com)-Waxaa Weli socda gurmad lagu soo badbaadinayo qaar kamid ah dadkii shalay Doonta kula qalibantay fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga Shabeelle, kuwaasi oo kusii jeeday deegaanka Ceel-Jeelle ee duleedka Baladweyne.

Guuleed Ibraahim oo kamid ahaa dadkii saarnaa doontii shalay ku degay Webiga ayaa Maanta waxaa Meydkiisa laga helay Baladweyne, waxaana sidoo kale uu ahaa Guddoomiyihii dhalinyarada Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Guddiga loo xilsaaray baadi goobka dadkii doonta la degtay ayaa xaqiijiyay in la helay Meydka Guuleed Ibraahim, isla markaana ay wadaan gurmadyo kale oo baadi goob ah.

Waa Meydkii labaad ee Maanta la helay, iyadoona saakay deegaanka Shabelow laga helay Meydka Shariif Hassan Ganey (Shariif Carabey) oo kamid ah dadkii saarnaa doontii shalay Degtay, sidoo kalena kamid ahaa Ganacsatada Magaalada Baladweyne.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...