Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Haweeney u dhalatay Mali oo dhashay sagaal mataano ah!

Morocco (Halqaran.com) – Haweeney u dhalatay waddanka Mali ayaa hal mar wada dhashay sagaal cunug, iyadoona la sheegay in ay fileysay toddobo, sida ay xaqiijiyeen wasiirka caafimaadka Mali iyo rugta caafimaadka Morocco oo ah halka ay ku dhasheen carruurtaan, iyadoona noqoneysa markii ugu horreysay ay haweeney hal mar wada dhasho sagaal carruur ah oo wada caafimaad qaba.

“Shanta gabdhood, afarta wiil iyo hooyadood ayaa dhammaantood wada caafimaad qaba.” Ayay tiri wasiirka caafimaadka ee Mali.

Hooyadaan oo 25-jir ah ayaa Talaadadii ku umushay waddanka Morocco, kaddib markii halkaas loogu diray daryeel caafimaad oo gaar ah, sarkaalka ugu sareeya caafimaadka ee Mali ayaa sidaas sheegay.

Agaasimaha rugta caafimaadka ee Casablanca Youssef  Alaoui ayaa u sheegay TV-ga qaranka Morocco in ay la soo xiriireen dhaqaatiirta Mali bil iyo bar ka hor, wuxuuna sheegay in aysan filaneynin sagaal cunug.

Buugga Guinness ee diiwaanka adduunka ayaa Arbacadii sheegay in rikoorka Guinness ee dhalmada hal mar ugu badan uu yahay siddeed, waxeyna sheegeen in ay hubinayaan kiiskaan cusub.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...