Minnesota (Halqaran.com) – Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi ayaa lagu soo warramayaa in Arbacadii shalay lagu dilay magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota, sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada.
Marxuumka ayaa waxa uu ahaa Wiil tagsiile, waxaana da’diisa lagu sheegay 24 sano jir.
Dilka Wiilkaasi Soomaaliga ah ayaa waxaa loo soo qabtay Willie Sparkman oo ah 18-jir, kaasi oo ku eedeysan dillka darajada labaad oo ah mid aan ula kac aheyn, maadaama Sparman qurshihiisa koowaad uu ahaa inuu dhac iyo baarasho u geysto marxuumka, sida laga soo xigtay Booliska magaalada.
Sidoo kale, booliska magaalada Moorhead ayaa sheegay in ay eedeysane Sparman ku raad joogeen ka kor inta aanu dilka toogashada ah u geysan marxuum Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi, maadaama uu dhac ka geysta laba goobood oo kala duwan labadii habeen ee la soo dhaafay.
Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa noqonaya kii labaad muddo toban cisho gudahood ee lagu dilay gudaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Toddobaadkii la soo dhaafay, kooxo hubeysan ayaa ku dhex dilay Xawaaladda Taaj ee xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Baqarre.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





