Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Haweeney u dhalatay Koonfur Afrika ayaa dhashay toban cunug oo mataano ah!

South Africa (Halqaran.com) – Haweeney u dhalatay waddanka Koonfur Afrika ayaa la sheegay in ay hal mar dhashay toban carruur ah, taas oo noqon doonta markii ugu horreysay ay haweeney hal mar wada dhasho toban carruur ah haddii dhakhaatiirtu xaqiijiyaan.

Gosiame Thamara Sithole oo 37 jir ah horeyna u heysatay mataano ayaa la sheegay in ay dhashay toban carruur ah iyadoo toddoba ka mid ah ay yihiin wiilal halka saddexna ay yihiin gabdho.

Aabaha ay u dhasheen carruurtaan oo lagu magacaabo Tebogo Tsotetsi oo hadda shaqo la’aan ah ayaa u sheegay saxafiyiinta in carruurtaan ay dhasheen habeenimadii Isniinta isagoona sheegay in uu ku faraxsan yahay dhalashada carruurtiisa.

Waxay imaaneysaa bil un kadib markii haweeney u dhalatay waddanka Mali ay hal mar sagaal carruur ah ku dhashay isbitaal ku yaalla Morocco.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...