Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Haweeney qashinka caagadaha iyo bacaha ka sameysa bulukeeti awood badan

Nairobi (Halqaran.com) – Nzambi Matee oo ah haweeney u dhalatay Kenya waxey dadaalkeeda ugu badan ku bixisaa sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada wasaqeynta caagadaha iyo bacaha ee ka jirta dalkeeda.

Shaqadeeda waa in ay dib u hagaajiso haraadiga bacaha la tuuro, isku daygeedaas waxaa ka soo baxday natiijo sare oo xitaa aysan ku guuleysan warshadaha wax soo saarka ee dunida ka jira.

Warshadeeda oo ku taalla Nairobi waxay qashinka bacaha ka soo saartaa bulukeeti awood badan, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters.

“Wax soo saarkaanaga wuxuu shan illaa toddobo jeer ka awood badan yahay shubka.” Sidaas waxaa tiri Nzambi Matee.

Warshadeeda oo lagu magacaabo Gjenge Makers waxay qashinka ka soo uruursataa haraadiga warshadaha wax soo saarka kaddib waxay u rogtaa wax soo saar faa’iido leh.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...