Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Eey dhaxal ahaan u helay $5 milyan!

USA (Halqaran.com) – Eey siddeed jir ah ayaa baraha bulshada ka abuuray hadal hayn ballaaran kaddib markii uu dhaxal ahaan u helay $5 milyan. Hantidaas waxaa lahaa milkiilihii eyga oo dhawaan dhintay.

Lulu oo ah eyga dhaxalkaan nasiibka u yeeshay wuxuu ku noolaan doonaa inta u harsan noloshiisa nolol uu heli doono daryeel dheeraad ah oo wax walba leh.

Bill Dorris, wuxuu ahaa hantiile ku dhintay da’da 48-jir, ka hor geeridiisa ayuu ku dardaarmay in maalkiisa lagu wareejiyo eygiisa oo uu aad u jeclaa.

Daryeelka iyo mas’uuliyadda eyga hadda waxaa gacanta ku hayn doonta Martha Burton oo ah haweeney deris la aheyd ninkii lahaa eyga oo aan ka tagin wax carruur ah.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...