Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Haweeney in kabadan 20 sano ku dhex nooleyd biyaha dhexdooda!

India (Halqaran.com) – Dadka qaarkiis waxay leeyihiin hiwaayado aan caadi aheyn oo kaa yaabinaya, haweeney lagu magacaabo Paturani Hosh oo ku nool Vardhman oo ka tirsan West Bengal ayaa la sheegay in 20-kii sano ee la soo dhaafay ay ku nooleyd biyaha, iyagoo wararku sheegayaan in ay ku noolaan jirtay magaalada Murshidabad laakiin waxaa la sheegay in dhammaan xubnaha qoyskeeda ay geeriyoodeen iyadoona usoo guurtay magaalada Vardhman si ay ula noolaato gabadheeda.

Gabadheeda ayaa sheegtay in hooyadeed ay cunto bariiska kaliya laba jeer bishii iyadoona intaas ku dartay in aysan isticmaalin wax musqul ah.

Haweeneydaan ayaa la sheegay in ay leedahay dhibaato xagga neefsashada ah sidaa darteed waxay go’aansatay in ay ku noolaato biyaha, iyadoona 20 sano ay ku nooshahay biyaha.

Arinta yaabka leh ayaa ah in haweeneydaan ay ku fiicnaatay markii ay billowday inay ku noolaato biyaha, iyadoona ka bad qabta dhibaatooyin caafimaad oo badan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...