Wednesday, July 8, 2026
25.9 C
Mogadishu

Haweeney afkeedu furmay soddon sano uu xirnaa kaddib!

New Delhi (Halqaran.com) – Haweeneydaan oo soddon jir ah ayaa afkeedu furmay markii ugu horreysay taniyo dhalashadeedii kaddib markii qaliin loogu sameeyay Isbitaal ku yaala caasimadda India ee New Delhi.

Astha Mongia marna uma aysan suura galin inay afkeeda kala furto arrimo la xiriira xaalad dhif ah oo isku keentay lafaha daankeeda. In yar oo xitaa carrabkeeda aysan taaban Karin ayaa u furneyd.

“Soddonkii sano ee la soo dhaafay Astha ma aysan awoodin inay qaadato cunno adag. Waxaa dhib ku ahaa hadalka, ilkaheeda ayay wada weyday.” Sidaa qoraal ka soo baxay Isbitaalka ayaa lagu yiri.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay xaaladdaan ahayd mid adag. Iyagoo xusay inay isbitaalo kala duwan ay horey u diideen in ay qaliin ku sameeyaan.

“Waa mucjiso inaan afkeyga kala furi karo, sidoo kale aan wax ku cuni karo kuna hadli karo dhib la’aan.” Sidaa waxaa tiri Astha.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...