Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Haweeney 40 jir ah oo dhashay 42 carruur ah!

Uganda (Halqaran.com) – Mariam Nabatanzi oo ah haweeney 40 jir ah kuna nool degmada Mukono waxaa la sheegay in ay tahay haweeneyda ugu dhalmada badan, kaddib markii lasoo weriyay in ay dhashay carruur gaareysa 42.

Dadka deegaankeeda waxay ugu naaneysaan “ Hooyada mataanaleyda ah.” Carruurta ay dhashay oo ah 42 carruur hadda waxaa la nool 38 kamid ah oo badankooda ay kula nool yihiin gurigeeda.

Haweeneydaan oo keli u nool ah inkastoo qoys ballaaran ay mas’uul ka tahay haddana waxay awoodi kartaa in ay afkooda wax ku rido oo aysan qadin.

Mariam Nabatanzi ayaa la sheegay in la guursaday ayadoo 12 jir ah. Haweeneydaan ayaa sheegtay in marwalba ay jecleyd in ay dhasho 6 carruur ah, balse markii ay tiradu mareysay 18 carruur ah waxay go’aansatay in ay iska joojiso dhalmada waxaase loo sheegay in tallaab walba oo looga joojinayo dhalmada badan ay halis galin karto nafsadeeda.

Mariam ayaa dhalmadeeda waxay soo afjartay sanadkii 2016-kii markaas oo ay dhashay dhallaankeedii ugu dambeeyay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...