Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

Haween Xaamilo ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya, in kooxo hubeysan ay subixii Axadda maanta ah halkaasi ku dileen labo haween ah, halka mid kalena ay dhaawac culus u geysteen.

Falkaan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxihii falkan geystay ay goobta ka baxsadeen.

Rag Bistoolado hubeysan ayaa weerar ku qaaday haweenkan xilli ay raacayeen mooto Bajaaj, kuna sii jeeday dhismaha wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasi oo ay ka qaban jireen howlaha nadaafadda.

Wararka ayaa sheegaya, in laba Haween ee geeriyooday ay xaamilo ahaayeen, waxaana goobta ka qaaday meydkooda ehelladooda oo saacado kadib lagu wargeliyay in la dilay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka haweenkaasi.

Sidoo kale, weli kama hadlin maamulka degmada Dayniiile ee gobolka Banaadir weerarka dilka iyo dhaawaca loogu geystay Haweenkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...