Tuesday, April 28, 2026
28.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo xirtay Isgoys muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adaha Ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagxaan waaweyn ku xirtay Isgoyska dabka ee Magaalada muqdisho, kadib markii gaari xoog uga soo gudbay uu shalay ku qarxay koontoroolka isgoyska Sayidka.

Dhagxaanta oo ay dejiyeen Gawaari waaweyn oo lagu raray ayaa waxaa lagu jaray Isgoyska dabka, waxaana meesha ka baxay Gawaaridii ka imaan jirtay dhinaca Isgoyska Bakaaraha ee u soo gudbi jiray dhinaca kale ee degmada Waaberi.

Wararka ayaa sheegaya, in dad subixii Axadda maanta ah tegay isgoyska dabka ay arkeen dhagxaanta waaweyn oo halkaasi lagu xiray , isl markaana ay caqabad ku tahay Gawaarida ka imaata dhinaca isgoyska Dabka.

Ugu dambeyn, waddoyinka jid-cadayaasha ee ku yaal degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa horay dowladda Soomaaliya ay ugu jartay dhagxaan waaweyn, balse weli ay Muqdisho ka dhacayaan qaraxyada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...