Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Gaari ay la socdeen Imaamka Beesha Mudullood & Nabaddoono oo lagu rasaaseeyay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar na soo gaaraya ayaa sheegaya, in galabta ciidamo ka tirsan kuwa Astuubta Soomaaliyeed ay magaalada Muqdisho ku rasaaseeyeen gaari uu la socday Imaamka Beesha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf.

Weerarkaan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir.

Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in gaariga Imaamka la rasaaseeyay uu ka soo gudbay Koontaroolka koowaad, balse markii uu marayay Koontaroolka labaad rasaas oodda looga qaaday, sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Rasaastaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen askarta ilaalada u ahaa Imaamka Beesha Mudullood iyo Nabaddoono kale oo caan ah oo la socday.

Nabaddoonnada ayaa waxaa xilliga la rasaaseynayay Gaariga ay la socdeen ay ka yimaadeen gogosha Tacsida Janeraal Maxamed Nuur Galaal, waxaana ay marayeen waddada dheer ee hormarta xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda wax faah-faahin ah kama soo bixin laamaha ammaanka ee DF Soomaaliya oo ku aadan falkan galabta lagu rasaaseeyay Imaamka Beesha Mudullood iyo Nabaddoono caan ah oo la socday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...