Hiiraan (Halqaran.com) – Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiran Cali jeyte Cismaan iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan degmada Buulo-Burde ee Gobolkaasi.
Socdaalka guddoomiyaha ayaa lagu sheegay, sidii lagu xalin lahaa Khilaafka soo kala dhexgalay guddoomiyaha degmada Buulo-burde Faysal Haajir Aadan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee degmadaasi ku sugan.
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Buulo-Burde Faysal Haajir Aadan ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada Jabuuti ay maamulka ku hayaan faragelin dhinaca Maaliyadda ah, taas oo keentay in degmada Buulo-Burde laga dareemo xiisad u dhaxeeysa labada dhinac.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiran Cali jeyte Cismaan ayaa waxaa la filayaa in uu kulan la qaato Mas’uuliyiinta maamulka degmada Buulo-Burde iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti si xal looga gaaro khilaafka soo kala dhex-galay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





