Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

AKHRISO: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka horyimid hannaanka loo dhisay golaha adeegga garsoorka

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka soo horjeestay hannaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka Soomaaliya oo ay horey u ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, waxaana saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyada oo aan loo gudbin Aqalka sare.

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa lagu sheegay in lala socdo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray 7 xubnood oo lagu tilmaamay inay kamid yihiin 9 xubnood ee Golaha Addeega Garsoorka laguna soo daray guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaaliyaha guud tallaabadaasna ay tahay mid sharci darro ah.

Guddoomiye Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Shacabka 22-kii Bishii November ee 2020 uu u soo diray Aqalka sare qaraar uu ku soo ansixiyay 7 Xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Addeega Garsoorka kuna jirin guddoomiyaha Maxkamadda Sare  & Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa lagu sheegay in gebi ahaaba ay sharci darro tahay hannaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka dalka.

Gudodomiyaha Aqalka sare ayaa ugu dambeyn sheegay in Xeerka kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo ee lagu soo saaray xubnaha Golaha addeega Garsoorka uusan laheyn wax raad sharci ah oo ay ku howlgeli karaan, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha & Xukuumadda inay joojiyaan ku xadgudubka qodobbo dastuuri ah inta laga soo dhisayo hay’ado Dastuuri ah oo cusub una hoggaansan Dastuurka KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka.

Halka hoose ka akhriso Qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka sare:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...