Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Haween indho-shareer xirnaa oo lagu xiray magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Arbacadii maanta xabsiga u taxaabay gabdho, loo haysto inay wejiyada soo qarsadeen.

Ciidamada Dowladda ayaa gabdhahan ka dhex qabtay gudaha Magaalada Dhuusamareeb, xilli sida la sheegay ay xirnaayeen indho shareer.

Ciidamada Dowladda ayaana hablahaasi u kaxeeyay xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb, mana jirto cid ka hadashay xariga hablahaasi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa indho shareerka looga mamnuucay awaamiir kol hore ka soo baxday Ahlu Sunada Galmudug, mudadii ay sida buuxdo uga arriminayeen magaaladaasi.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa waxay xilligaa sheegeen in tallaabadaasi ay tahay mid looga hortaggayo suurtagalnimada in loo adeegsado falal liddi ku ah nabadgelyada magaalada.

Ma cadda waxa ay Ciidanka Dowladda ka yeeli doonaan hablaha ay ku xireen Magaalada Dhuusamareeb. Hablahan oo laba ah ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay dhawaan ka yimaadeen Magaalada Muqdisho.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysa, xilli Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka dowladda, uu Saraakiisha Ciidamada faray in laga wada shaqeeyo amniga.

Waa markii ugu horeysay oo hablo loogu xiro indho shareer ay wateen gudaha Magaalada Dhuusamareeb, tan iyo markii ay amniga magaaladaasi la wareegeen Ciidamada Dowladda, bishii November ee sanadkii hore.

Waxaa xusid mudan in laamaha amniga Koonfur Galbeed ay sanado ka hor indho shareerka ka mamnuuceen in lagu dhex qaato Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...