Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Diyaaradaha Mareykanka oo weerar dhinaca cir ah ku qaaday duleedka magaalada Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Talaadadii weerar dhinaca cirka ka fuliyay Deegaanka Beerxaani, oo dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqayntan ayaa waxaa lagu dilay xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).

Taliska AFRICOM ayaa qoraalka ku sheegay in duqaynta oo u dhacday sidii la qorsheeyay lagu qaarajiyay xubinta ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan magaciisa la carab dhabin.

Qoraalka ayuu Taliska AFRICOM ku sheegay inaanay jirin wax rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay duqayntan laga fuliyay Gobolka Jubbada Hoose.

Waa duqayntii lixaad oo sanadkan ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliyan Gobolada Koonfurta Somaliya.

Mareykanka ayaa dardar-geliyay weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab, tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...