Thursday, April 23, 2026
29.8 C
Mogadishu

Harada jaceylka ee Dubai

UAE (Halqaran.com) – Harada jaceylka, oo qaabka wadnaha oo kale loo sameeyay waxay dhacdaa saxara u dhow Dubai. Waana bartilmaameedka dalxiisayaasha oo lammaane badan usoo dalxiisaan.

Muuqaallada halaasiga ah oo ay ku caan tahay Dubai sida Burj Khalifa ma ahan kuwa la koobi karo. Laakiin, hadda waxaa kale oo jira muuqaallo ildoogsi iyo dalxiisba leh oo aad ugu tagi karto saxaraheeda. Harada jaceylka waa mid kamid ah. Waxay ku taallaa meel u dhow Al Qudra Oasis, waxayna ku fadhidaa ballac dhan 550,000 oo mitir wareeg ah.

Dusha sare markii laga sawiro waxay muujineysaa qurux dabiici ah oo lagu dheehay qaab-dhismeedkeeda.

Muuqaalkeeda wuxuu soo shaac baxay sannadkii 2018-ka markii boqorka UAE, Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, uu bartiisa Instagram-ka soo dhigay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...