Wednesday, August 26, 2026
26.9 C
Mogadishu

Dowladda Shiinaha oo Tallaal cusub maanta ka soo dajineysa Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Shiinaha  ayaa maanta oo Axad ah dowladda Soomaaliya ku wareejin doonta 200.000 oo tallaalka COVID19 ah, sida lagu shaaciyey qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Magaca tallaalka maanta lagu wareejinayo dowladda Soomaaliya waxaa la yiraahdaa Sinopharm Vaccine, waxaana soo saaray dowladda China.

7-dii bishan ayay ahayd markii Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha uu saxiixay heshiis tallaalka Covid-19 lagu keenayo Soomaaliya.

Danjire Cawaale Cali Kulane oo ah Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Shiinaha ayaa heshiis ku aadan helidda tallaalka ka hortagga cudurka COVID-19, wuxuu la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Sida qorshuhu yahay maanta galinka dambe ayaa dalka la keeni doonaa tallaalka Sinopharm.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...