Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Gudiga diyaarinta Xeerarka sharciga Doorashoyinka Qaranka oo maanta la magacaabay +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddi wadajirka ku-meel-gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhammaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo maanta yeeshay kulankoodii labaad ayaa ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha guddiga.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Waxaa sidoo kale goob joog ahaa hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xassan Nuux.

Guddoomiyaha Guddi wadajirka ku-meel-gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa loo doortay xildhibaan Ibraahim Yaroow Isaaq, halka Guddomiye ku xigeenka guddiga loo doortay senator Jawaahir Axmed Cilmi, iyadoo Xoghayaha guddiga loo doortay xildhibaan Lufti Shariif Maxamed.

Guddigaan oo ay horay u magacaabeen guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa shaqadoodu tahay sida ay u soo dhammaystir lahaayeen xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka oo ay haray u ansaxiyeen labada aqal ee baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllahi Maxamed Farmaajo.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka kobaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kula dardaarmay Guddi wadajirka ku-meel-gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka in ay soo dadajiyaan xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...