Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Haaji Macaliow ayaa maanta mar kale loo diiday in uu ka dhoofo garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho xilli uu ku sii jeeday degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho Cismaan Nuur Haaji Macalimow ayuu ku sheegay in talaabada looga soo celiyey garoonka Aadan Cadde ay kula kaceen ciidamada Nabad sugida Qaranka, ayna amar ku siiyeen inuu dib u laabto.
“Saakay waxaan aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisul Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay, ninka amarkaas soo bixiyay waa C/llaahi Kulane, waxaan ku qanci karnaa Ra’iisul Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado” ayuu yiri Macalimow.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee ka socday maamul goboleedyada dalka, wuxuuna ka dhagaystay warbixin ku saabsan wixii usoo qabsoomay muddadii ay joogeen magaalada Garbahaarey ee caasimadda gobolka Gedo.
Mr Rooble oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Guddiga oo uu amaanay wixii u soo qabsoomay, isaga oo sheegay in soo jeedinta ay usoo gudbiyeen uu la wadaagi doona madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in ay jiraan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad loo diiday in ay u dhoofaan gobolka Gedo, isaga oo ku amray hay’adda Nabad-sugidda ee NISA iyo ciidamada boolisku in aysan qofna ka celin karin halka ay u dhoofayaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





