Saturday, May 2, 2026
28.7 C
Mogadishu

Guddoomiyihii deegaanka Goofgaduud ee G/Baay oo caawa lagu dilay Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Guddoomiyihii Deegaanka Goofgaduud Buurey, Xasan Mayow Isaaq ayaa waxaa caawa lagu toogtay deegaankaasi, kadib markii ay rasaas huwiyeen kooxo hubeysan.

Xasan Mayow Isaaq oo dhaawac ahaan loogu soo qaaday Isbitaalka Degmada Baydhabo ayaa ugu geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray weerarkaasi.

Waxaa aad u xadidan wararka laga helayo faah faahinta ku aadan cidda dhabta ahi ee dishay guddoomiyaha, marka laga soo taggo in ay rasaas huwiyeen kooxo aan heybtooda la aqoonsan.

Saraakiisha Booliska Baydhabo ayaa mareegta Halqaran.com u xaqiijiyay in guddoomiyaha uu dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka Baydhabo.

Guddoomiyihii Deegaanka Goofgaduud Buurey Xasan Mayow Isaaq, oo 30km dhanka galbeed kaga toosan Baydhabo ayaa horey uga badbaaday weeraro ay ku soo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka guddoomiyaha, balse waxaa dilkiisa lala xiriirinaya Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...