Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Cudurka Coronavirus oo ku sii faafaya dalka Kenya

Nairobi (Halqaran.com) – Waxaa dalka Kenya ku sii fidaya caabuqa Coronavirus, iyadoo tan iyo Jimcihii laga diiwaangeliyay dalkaasi illaa toddobo kiis, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Kenya.

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka laga helay Coronavirus gudaha dalka Kenya, ay iminka mareyso toddobo qof.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in ay dembi noqon doonto, xabsina ay muteysan doonto, ciddii aan si iskeed ah isu tarantiilay, marka ay safar ka timaado.

Wasiirka ayaa dadka ugu baaqay in ay is iskood ah isu karantiilaan, markasta oo safar dibadda ahi ay ka soo laabtaan, si loogu yareeyo faafitaanka Coronavirus.

Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa maanta albaabada isugu laabtay Masjid Jaamaca weyn ee Magaalada Nairobi, baqdin laga qabo caabuqa Coronavirus awgii.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maalmo ka hor amray in la joojiyo meelaha ay dadweynaha isugu yimaadaan, ka dib markii kiiskii ugu horeeyay oo COVID19 laga diiwaangeliyay dalkaasi.

Caabuqa Coronavirus ayaa tan iyo Jimcihii ku fidaayay Wadamada Geeska Afrika, iyadoona laga diiwaangeliyay dalal ay ka mid yihiin Tanzania, Kenya, Itoobiya, Somaliya iyo Jabuuti oo maanta xaqiijisay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...