Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Ciidamo cusub oo maanta tababar loogu soo xiray Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo tababar loogu soo gabagabeeyay dufcadii afraad ee kamid noqonaysa ciidanka booliska dawlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo muddo sagaal bilood ah tababar la siinaayay.

Ciidamadaan oo maanta waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Kismaayo dhoola tus ku baraayay ayaa waxay qayb ka noqon doonaan hawlgalladii ay waday dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo la gayn doono goobaha Al-Shabaab lagala wareego.

Gaashaanle sare Maxamed Naasir Guuleed oo ugu damabayntii xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta dawlad goboleedka Jubbaland ayaa sharaxay nooca tababarka la siiyay ciidankan iyo waxyaabaha ay qaban doonaan.

Ciidankan ayaa qayb ka noqon doona dadaallada xasilinta amniga deegaannada Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...