Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub oo ku saabsan madaafiic lagu wareeray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho /Sawir hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Weerar madaafiic loo adeegsaday ayaa xalay waxaa lagu qaaday Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkan ay sheegatay Al Shabaab.

Madaafiicda oo ahaa kuwo is xig xigay ayaa waxaa laga maqlay Degmooyinka Dharkiinley, Wadajir, Hodan iyo Waaberi, oo dhammaantood ku teedsan Garoonka Aadan Cadde.

Xerada Xalane oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa degan Qaramada Midoobey, Taliska Midowga Afrika, sidoo kalena waxaa ku dhex yaala Safaaradaha Wadamada Reer Galbeedka, ee cilaaqaadka dhow la leh Dowladda Federaalka.

War qoraala oo ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in dhawr hoobiye ay ku soo dhaceen agagaarka Xarunta Qaramada Midoobey, iminkana ay socoto qiimeyn ku aadan waxyeeladii ka dhalatay.

“Dhawr hoobiye ayaa ku dhacay agagaarka Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho. Iyadoo la raacayo marxaladda heerarkan, Saraakiisha amniga ayaa ku hawlan qiimeynta wixii dhaawac ama dhib ah ee jira, dib baana ka soo faah faahin doonnaa wixii ka soo baxa.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay UNSOM.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa qoraal ku sheegay in illaa shan hoobiye ay la dhaceen Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa warka ku sheegay in weerarkan uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aanay sheegin tiro rasmi ah oo ku dhimatay amaba ku dhaawacantay.

“Mujaahidiinta ayaa illaa shan madfac la helay Xerada Xalane, oo ay degan yihiin shisheeyaha duulaanka ku soo qaaday dalka Somaliya, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo cadowga gaaray.” Ayaa lagu yiri warka Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin weerarka madaafiicda loo adeegsaday, ee habeenimadii Arbacada lagu ekeeyay Dhismaha Xalane.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dalka ka dagaalama ayaa marar badan sidaan oo kale weeraro madaafiic ah ku qaaday xeendaabka sida weyn amnigiisa loo ilaaliyo ee Xalane.

Ugu dambeyn, weerarkan waxaa uu ku soo aadaya maalmo yar uun ka dib, markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ay Al-Shabaab ka saareen Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...