Beledweyne (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay dhacdadii xalay ka dhacday waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas, ee ay Shabaabku ku beegsadeen gaadiid raashiin siday iyo dadkii la socdayba.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Shabaabku ay meel dhexe ku celiyeen gaadiid ka tagey Beledweyne iyo kuwo kale oo Maxaas ka yimid, ayna dileen dadkii la socday, in yar oo ka baxsaday mooyee.
“Cadowgu dad shacab ah ayay ku laayeen meel waddo ah, qaarkood Degmada Maxaas ayay ka yimaadeen oo Beledweyne ayay u socdeen, kuwa kalena Maxaas ayay ku sii jeedeen oo Beledweyne ayay ka baxeen. Baabuurta ayay meel dhexe ku celiyeen, waa meel ay ka soo duseen ee ma ahan meel ay iyagu maamulayeen, waa meel ay xalay u soo duseen oo dhinaca Ceel La-helay ayay ka yimaadeen.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Waxay laayeen dadkii shacabka ahaa ee saarnaa illaa toban baabuur ah, qaar-na way ka firxadeen oo waa ka fakadeen, intii ay qabteena meeshaas ayay ku laayeen. Meesha ay wax ka dhaceen Afar Irdood ayaa la yiraahdaa.”
“Dadka la dilay waxaan warka ku haynaa inay soddon qof gaarayaan, gaadiidka la gubayna waa toban baabuur.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray “Baabuurta qaybo ka mida dadkii la socday miino ayay u dhigeen, qaar-na gacantooda ayay kula xireen miinada, dadkii la socdayna ay ku laayeen.”
Mar wax laga weydiiyay waxa xilligan ku soo beegay in Shabaabku dilaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa waxa uu ku jawaabay “Xilligan waxa ku soo aadiyay inay dilaan dad rayid ah anigu ma garanayo, laakiin waxaan kuu sheegaya cadowgu inuu dhibaatadaa u gaystay dadka shacabka ah, meel ay xukumeyna ma ahan, waa meel ay dhuumasho ku yimaadeen, waa wax wasaq oo argagixiso ah.”
Shabaabka ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay weerarkaasi ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.
Gudoomiyaha Jeyte oo warka Shabaab ka jawaabayay ayaa yiri “Carruur iyo haween ayay dileen, shan qof oo qofka ugu weyn uu shan jir yahay ayaa ka mid ah dadkii ay meesha ku dileen. Hooyo soddon maalmood umul ahayd iyo canugeediiba oo Maxaas ka mid ayay ku dileen meesha. Ma Macawiisley baa kuwaasi?”
Jeyte ayaa ku hanjabay “Waxaan wacad ku maraynaa Shabaab inaan uga aargudi doono dadka shacabka ah dhibaatadii ay xalay u gaysteen, shacabkana waxaan ugu baaqaynaa inay iska celiyaan, oo gacantooda ay cadowga isaga dulqaadaan.”
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay gobolkaasi ka wadaan hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





