Thursday, July 16, 2026
26.1 C
Mogadishu

Dhageyso: Waa Sidee Xaaladda Bilaal Bulshaawi oo lagu dhaawacay Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqaanay (Bilaal Bulshaawi) ayaa xalay lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho.

Nin bastoolad ku hubeysnaa ayaa Bilaal Bulshaawi iyo wiil la socday ku weeraray maqaaxi ay fadhiyeen, oo lagu magacaabo Casri Coffee, kuna taala Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi uu rasaas huwiyay Bilaal Bulshaawi iyo saaxiibkii, iyadoona ay halkaasi ku dhaawacmeen labaduba.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka falkaasi gaystay uu ka baxsaday goobta, ka hor intii aanay gaarin ciidamada amniga.

Bilaal Bulshaawi ayaa hadda xaaladiisa lagula tacaalaya Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan.

Ninkan ayaa caan ka ahaa barraha bulshada, iyadoo aaladda Tiktok looga yaqaanay magaca (Madaxweynaha Tiktok).

Bilaal Bulshaawi ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ka shaqeynayay arrimaha samafalka, mana cadda ujeedada ka damebeysa in la bartilmaameedsado.

Ugu dambeyn, Bilaal Bulshaawi Walaalkiis oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladdiisa iyo sida ay wax u gaareen walaalkiis Bulshaasi.  Halka hoose ka dhageyso Codka Bilaal Bulshaawi Walaalkiis.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...