Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada Hooyada dhashay Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii maanta ku tukaday Salaadda Janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd, hooyada Madaxweynihii 7aad ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Janaasada ka dib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyska.

“Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu.”

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kala qaybgalay Salaadda Janaasada ee marxuumadda, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, Ra’iisal Wasaareyaashii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo masuuliyiin ka socday Labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com