Friday, September 4, 2026
27.9 C
Mogadishu

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo magacaabay guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi +(AKHRISO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka ee Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Sabtida maanta ah magacaanbay guddiga doorashooyinka xildhibaannada gobollada Waqooyi.

Xubnahaan ayaa ka kooban ilaa 8 xubnood oo qaban doona doorashada gobollada Waqooyi kasoo galayo baarlamaanaka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u magacaabay xubnaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi, inkastoo Cabdi Xaashi uu ka soo horjeestay guddigaasi.

Lama oga sida guddigaan ay ku shaqeyn doonaan, maadaama Xukuumadda aysan raali ka aheyn magacaabista xubnahan uu soo magacaabay Cabdi Xaashi.

Haddaba qeybta hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...