Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Villa Hargeysa kula kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa muddo kadib waxaa uu xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Somaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Maxamuud.

Laftagareen iyo ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ku booqday hoyga uu ka deganyahay Villa Hargeysa oo ku dhex taala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu salaan ugu tagay Guddoomiye Mursal, kaddib in muddo ah oo uu xiriirkoodu xumaa.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay yeesheen kulan dhawr saacadood qaatay, islamarkaana ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Labada masuul ayaa qaatay kulan saacado dhawr ah socday, oo ay iska xog wareysanayeen xaaladda siyasadeed ee ka jirta dalka, sida arrimaha doorashooyinka, amniga iyo deddaalada horumarineed, ee ay ku tallaabsatay Dowladda Koonfur Galbeed. Maxamed Mursal, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Laftagareen uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid, waxaana uu boggaadiyay doorka uu ka qaadanayo Shirka Wadatashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay labada dhinac si fool ka foola isu soo hor fariistaan,

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...