Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BF Somaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Mursal iyo wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin wasiirro ka tirsan Xukuumaddda Soomaaliya iyo Xildhibaanno ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbee Cabdicasiis Laftagareen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Ujeedada Socdaalka Mursal iyo Wafdigiisa ayaa ah sidii ay uga qayb-geli lahaayeen xuska sanad guurada 2-aad ee ka soo wareegtay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo ku beegan 19-ka December oo berri ah.

Sidoo kale, Madaxda dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Baydhabo, si ay uga qeybgalaan munaasabadda ka dhacaysa Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...