Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

Gaalkacyo: Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay goob lagu soo dhaweyn lahaa RW Rooble

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya, in Qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay halkaasi, sida ay Halqaran News u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani lala eegtay goob ay ka socotay soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, halkaasi oo ah Garoonka Cabdulaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo.

Qof walxaha qaraxa isku soo xiray ayaa la sheegay inuu isku dayay irida Garoonka inuu ka galo, balse Ciidamada illaalada Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi ku joojiyay, iyadoo ninkii uu halkaasi isku qarxiyay.

Qaraxani ismiidaaminta ahaa ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo ruux naftiisa haligey uu beegsaday goobta lagu soo dhaweynaayay Ra’iisul Wasaaraha Rooble.

Ciidamada ammaanka ayaa furay rasaas badan, waxaana socota gurmadka dadkii dhibaatada soo gaartay oo Ciidan iyo shacab isugu jira.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...