Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay xaaladda dalka oo uu sheegay inay mareyso ‘meel halis ah’ +(VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna gudoomiyaha golaha Musharraxiinta oo Jimcihii maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladda dalka oo uu sheegay in ay mareyso meel halis ah.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku fashilantay in ay keento doorasho lagu wada qanacsan yahay, taas badalkeeda ay qorsheysan boob iyo in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in shalay ciidanka dowladda ay soo buux dhaafiyeen xaafada ay degan yihiin Musharraxiinta, isagoo sheegay in ciidanka dowladda ugu baaqay in aan loo adeegsan waxyaabo ka baxshan sharciga.

“Xaalada dalka meel aan wanaagsaneyn ayay mareysaa, Waxaa ka digeynaa in dalkaan dib loo celiyo waa arrin sharciga iyo dowladnimada ka soo horjeeda in hab aan fiicneyn la adeegsado sida ciidan iyo dagaal”, ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu intaasi raaciyay, haddii xukuumadda Soomaaliya ay ilaalin weysay sharciga oo dadkii soo bannaan baxay dhibaatooyin loo geystay in aysan jiri doonin cid ilaalinaysa sharciga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid sifo sharci daro ah ku joogta Villa Soomaaliya qofkastana uu bixi doono markii uu dhameysto waqtigiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...